Gabadh Soomaali ah ee dalka Masar ku ‘dishay ninkii kufsan rabay’ oo la sii daayay

0
71

Dacwad oogaha Masar ayaa amray in la sii daayo gabar Soomaali ah oo booliska isu soo dhiibtay kadib markii ay dishay nin bajaaj la ah oo ay sheegtay inuu kufsan rabay.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in baaritaan kadib uu ku qancay sheegashada gabadha.
Gabadha oo da’deeda lagu sheegay 15 jir ayaa sheegtay inay toori gelisay bajaaj laha kadib markii uu damcay inuu kufsado.
Sheekada gabadhan ayaa si weyn ugu faaftay daafaha caalamka.
Baaritaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo.
Cabdullah Qaalib oo ah weriye ku nool Qaahira, si dhawna ula socday arrinta gabadhaas ayaa BBC-da uga warramay dhacdada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here