Galmudug :in ka badan 3 kun oo Arday oo maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga

0
115

Ardayda Wax ka barata Iskuulada ku yaala degaanada Galmudug ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe sanad dugsiyeedka 2021-2022, oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada.
wasiirka wasaarada waxbarshada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Dhuusa-mareeb ka daah-furay imtixaanka shahaadiga , waxaana u fariistay arday dhan 3,382.
wasiirka waxbarshada galmudug iyo madaxdii kale ee maanta ka qayb gashay daahfurka imtixaanka ayaa hadla ujeediyay ardayda kudhana dhiira geliayay in ay si niyadsami ah ku galaan imtixaanka iskana ilaaliyaan wax kasta oo carqalad ku ah habsami u socodka imtixaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here