Afhayeenka Cusub ee madaxtooyada Soomaaliya oo hambalyo loo diray

0
143

Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Villa Somalia ayaa la magacaabay inkatoo aanay jirin waregto rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska madaxweyne xasan sheekh oo lagu magacaabay jagada Afhayeenka
Agaasime kuxigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa u hambalyeeyay afhayeenka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo lagu magacaabo C/kariin Cali Kaar.
C/kariin oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala telefishinka Somali Chanel ayaa inta aysan Villa Somalia kasoo bixin digreetadii magacaabistiisa durbadiiba baraha bulshada lagu ogaaday.
Agaasime Cabdinuur ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo magacaabay C/kariin, wuxuuna u rajeeyay inuu illaah la garab galo xilka loo igmaday, dulqaadkeedana uu yeesho maadaama howl dhib badan ay tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here