Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo Hadal ka jeediyey munaasabaddii uu xalay xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in liiska uu wareejiyay ay kamid yihiin shaqaale rayid ah, ciidan, shaqaale is xilqaan u shaqeenayey iyo xubno uu horay usii watay Madaxweyne Farmaajo iyo deyn kooban.
“Liiska aan wareejinayo waxaa kamid ah shaqaalaha rayidka ahaa ee Madaxtooyada, Shaqaalaha KMG ah ee Madaxtooyada, Shaqaale la yiraahdo is xilqaan oo madaxtooyada ka tirsan, deyn kooban oo madaxtooyada lagu leeyahay, dukumiinti profile ah oo waaxyaha dhan ay ku qoran yihiin oo aan ku wareejinay Electronic, Liiska Hantida Madaxtooyada ay heysato oo dhammaan way lambareysan yihiin & Shaqaale raacay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si dadban Madaxtooyada uga tirsanaanayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Ciise agaasimihii hore ee Madaxtooyada. Maxamed Cabdullaahi ma sheegin ama faha-faahin kama bixin waxa ay tahay deynta lagu leeyahay madaxtooyada
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya