Ergayga Madaxweyne Xasan sheekh ee Arimaha Gargaarka u qaabilsan oo la kulmay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

WARARKA

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan sheikh  u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Gabagabadii, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.