Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dfhacay degmada Afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose

0
111

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

Al-shabaab ayaa sida la sheegay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Afgooye halkaas oo uu ka dhacay dagaal xooggan.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hubka kala duwan waxaana dagaalkaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh inkasto aan faahfaahin sugan laga helin.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa degan kadib dagaalkii xalay waxaana ciidamadu ka wadaan hawlgal ciidan oo amniga lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here