Gudoomiyaha Golaha shacabka oo qaabilay Danjiraha dawlada Turkiga u qaabilsan Soomaaliya

0
76

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya JFS Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni laguna doortay Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay ballan qaadeyso dhismaha xarunta Baarlaanka, tayeeynta shaqaalihiisa iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Qalabka sida ee JFS.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa dowladda Turkiga ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here