Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Xaalada Amni Xumo ee ka jirta magaalada Baladweyne

0
44

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhawaan Magaalada Beledweyne loogu geystay, Mas’uuliyiin, Askar iyo Odayaal dhaqan.

Guddoomiyaha oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kadib muddo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne ay ku bateen dilalka taasina ka maakjl ahaan aysan aqbaleyn.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo si kulul uga hadlay dilalka ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in tacsi ay taallo Magaalada Beledweyne, isla markaana ka maamul ahaan ka jawaabi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here