Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabsida laga qabo in abaabul ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga sameeyo Muqdisho, ama ay dowladdiisa ku lug yeelato.
Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabad loogu sameeyey Baydhaba ayaa soo hadal qaaday ‘abaabulka’ la sheegay in looga soo horjeedo Lafta Gareen ee ka socda Muqdisho, wuxuuna si cad u beeniyey arrintaasi, isaga oo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xageeda ka jirto nabad iyo saaxibtinimo.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in yasan Jirin “Shar, colaad iyo abaabul qaab daran idin kama jiraan xaggaas ayuu yiri’.
Warkaan ka soo baxaya madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa ku soo begmaya Xilli maalmihii maalmihii la soo dhaafay la hadal hayey ‘Mooshin’ la sheegay in siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo horleh.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka madaxweynaha: