Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Xaalada Dadka barakacayaasha ee ku sugan Magaalada Baydhabo

0
74

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad soo dhoweyn ah xalay loogu sameeyey Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey muhiimadda dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo in loo istaago gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaarahu ay dhibaateeyeen.

Madaxweyne Xasan sheikh ayaa ugu horrey waxaa uu ka hadlay xaalada ku jira xeryaha baraxayaasha ee ku yaala Magaalada Baydhabo iyo waxaa uu ku soo arkay .

Madaxwseyne Xasan sheikh ayaa ka hadlay wadada kaliya ee dadkaas ay noloshooda ku maareeyn karaan gaar’aahaan in ay dib ugu laabtaan degaanadii laga soo barakiciyay iyo sida kaliya noloshooda ay ku maareeyn karaan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso qayb ka mid ah khudbadii uu Madaxwseyne Xasan Sheekh uu ka Jeediyay Magaalada Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here