Dhageyso: Taliska Ciidanka Booliska qaybta galbeed oo Hawgal ku soo qabtay Dad lagu eedeeyay in Qarax ka geysteen Degmada Deeyniile

WARARKA

Ciidamada Booliska ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana ay ku eedeeyeen Dad lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qarax miino oo shalay lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka dawlada Federaalka Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey waaxda Kurdamac oo ka tirsan degmadaasi, gaar ahaan agagaarka aargada Dayniile oo uu shalay ka dhacay qarax miino oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo ilaaladiisa.

Yaasiin Ganeey oo ah Taliyaha, qeybta galbeed ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.