Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi ka Socda Beesha Caalamka

0
154

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Magaalada Hargeysa  ku qaabiley Wafdi ay hogaamineyso safiirka Midowga Yurub, ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden ee Soomaaliya  Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Muuse Biixi  waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda,Somaliland  Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here