Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dawlad Goboleedka Galmudug Waxaa ka socda diyaargarow la xiriira soo dhaweynta Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha dawlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Baydhbo
Amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa la adkeeyay iyadoo Ciidamo isgu jira Milati Boolis iyo Nabad Sugid ay ka Hawgalayaan Magaalada si ay Amaanka u xaqiijiyaan
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dawlada Goboledka Galmudug Waxaa shalay gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo uu horkacayay Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo u sii gogol xaaraya soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Hase yeeshee’ Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kusugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tegay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May