Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo Magaalada Garowe ku qaabilay wafdi ka socday dallaka Finland iyo Norway

WARARKA

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Safaaradaha Finland iyo Norway.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo mas’uuliyiinta horkacaysay Wafdiga ka kala socday Finland iyo Norway ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarasha ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda Puntland iyo taageeradooda.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay sida ay Puntland uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay deeq bixiyayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.