Xoghayaha Arrimaha dibadda ee UK Liz Truss ayaa uga digtay Ruushka duulaanka “cudurdaar-la’aanta iyo sharci-darrada ah” uu khatar ku yahay nabadda adduunka iyo xasilloonida dhaqaale.
“Wuxuu filayey in duullaanku uu soo afjarmi doono maalmo gudahood, laakiin wuxuu si weyn u dhayalsaday go’aanka geesiyaasha Ukraine, kuwaas oo si geesinimo leh u difaacay dalkooda,” ayay Tiri’ Liz Truss.
Xoghayaha Liz Truss ayaa sidoo kale sheegtay in duulaanka Putin uu keenay dhimasho iyo burbur baaxad leh oo aan Yurub lagu arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.