Galmudug oo Tababar u soo xiray Dhalinyaro loo Carbiyay la dagaalanka Alshabaab

WARARKA

Maamulka Galmudug ayaa Wada  tallaabo cusub oo lagu wajahayo dagaalka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, si looga adkaado kooxdaasi.

Saraakiisha Galmudug ayaa bilaabay inay hubeeyaan, isla-markaana ay tababaraan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi, si ay qayb uga noqdaan dagaalka.

Galmudug oo qorshahaas ka duuleysa ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in loo abaabulay hab deegaan, kuwaas oo tababar loo soo xiray.

Ciidamada la tababaray oo hubkooda wata ayaa ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowlad goboleedka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.