Mucaaradka Soomaaliland oo ka hadlay Iscasilaaday Gudigii Komiishinka doorashooyinka

0
47

Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa sheegay inay nasiib-darro wayn iyo dhabar-jabba ay tahay in guddigii doorashooyinka ay gebi-ahaanba meesha ka baxaan. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa intaasi ku daray in talo guud oo lagu badbaadinayo Somaliland iyo nabadgelyadeeda ay qaban doonaan.

Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka ee Somaliland ayaa shalay iscasilaadooda u gudbiyeen madaxweyne Muuse Biixi.

Arintan ayaa u muuqata in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland, xilli lagu waday in 13-ka November ay dhacdo doorashada madaxweynaha oo laf ahaanteeda khilaaf siyaasi ahi ka taagnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here