Golaha wasiirada Galmudug oo meelmariyay 2 Hindise sharciyeed

WARARKA

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo dib uheshiisiinta Galmudug oo soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.
Golaha Wasiirada Galmudug oo ka dooday hindise sharciyeedyada loo gudbiyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed
Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-
1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.
2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.
Sharciyadaan ayaa Dhawaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug u gudbin doontaa Golaha Wakiilada Galmudug si loo sharciyeeyo kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.