Madaxweynaha Koofur galbeed oo magacaabay Wasiiro Cusub.

WARARKA

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Maanta waxaa uu Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo banaanaa, kuwaas oo mas’uuliuiintii haayay ay kamid noqdeen Xikdhibaannada Golaha Shacabka.
Dekateeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirada kala ah.
1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.
2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.
3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.
4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magac aabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.
5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnahaan la Magacaabay ayaa bedelaya wasiiradii hore Koofur galbeed oo ku biiray Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.