Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa sheegaya 3 qof ay ku dhinteen 7 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen shil baabuur ioo ka dhacay deegaanka Qayta oo u dhow magaalada Burco.
Gaariga rogmaday ayaa noociisu ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Caasi ama Homey.
Ciidamada ilaalada wadooyinka Somaliland ayaa gaaray goobta shilka uu ka dhacay iyo dadweyne kale.
Shilalka gawaarida ayaa soo noq noqday deegaanada Somaliland.