Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo la kulmay Mas’uuliyiin ka socotay Dawlada Liibiya

0
89

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka Libya ee Somaaliya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxa ayna kawada hadleeyn arrimha dhaqaalaha iyo Deyn Cafinta Soomaaliya madama Libya ay kamid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.
“Waxaan maanta la kulmey safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxaan ka wada hadalney arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee nagu leh deynta”Ayuu yiri Wasiir Beileh
Wasiirka maaliyada Xukuumadda Federaalka ayaa mudooyinkii dambe kulamo la qaafanayay mas’uuliyiinta wadamada lacagaha deymaha ah ku leh Soomaaliya si deynta uga cafiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here