Madaxwaynaha Galmudug oo sheegay in uu guul ka gaaray Socdaalkii uu ku tagay Degmada Cadaado.

0
107

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( QoorQoor) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu guul ka gaaray ujeedka socdaalkii uu halkaas nutagay.

Qoorqoor oo ka qayb galay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in la bilaabayo dhismaha Golaha deegaanka degmada Cadaado isagoona cadeeyay i gudoomiyihii degmadaasi uu go’aansaday in uusan tartamin fursadna siiyo xubnaha kale doonaya hogaaminka Cadaado.

Sidoo kale Madaxwayne Qoorqoor ayaa faray wasaaradda arimaha Gudaha Galmudug in ay guda gasho dhisidda Golayaasha deegaanka degmooyinka Maamulkaasi.

Isagoona si rasmi ah ugu dhawaqay in la xaliyay culaysyadii ka jiray maamulka Cadaado.

Galmudug ayaa doonaysa in deegaanadeeda ay ka hergeliso Golayaal deegaan, waxaana jira deegaano kooban oo golayaal nuucaasi ah ay kajiraan wallow maamulka Qoorqoor uu hadda doonayo in dhamaan deegaanada laga wada simo Golayaasha Deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here