Madaxwaynaha Koofur galbeed oo Xilalkii ka qaaday Gudoomiyaashii gobollada Baay iyo Bakool.

WARARKA

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta waxaa uu xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Bakool & kuxigeenkiisa Amniga, isaga oo sidoo kale Maamul Cusub u Magacaabay Gobolada Baay & Bakool.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in markii uu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed uu Guddoomiyaha Gobolka Baay u Magacaabay in uu noqdo Cabdifitaax Maxamed Ibraahim sida uu saxaafadda usheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda DGKGS Mudane Mohamed Ali Ibrahim Bandhaboow.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed iyo kuxigeenkiisa dhanka Amniga & Siyaasadda, wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Bakool uu u Magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed (Tool) halka Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda uu u Magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa faray mas’uuliyiinta Cusub inay waajibaadkooda si wanaagsan u gutaan una adeegaan Bulshada mas’uuliyiinta looga dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.