Puntland oo shaacisay Xilliga lagu dhawaaqayo xukunka Eedeysaneyaal loo haysto fal dil ah.

0
126

Maxkamadda Darajada 1aad ee magaalada Qardho ayaa si rasmiya u muddaysay xilliga lagu dhawaaqayo xukunka shan maxbuus oo ku eedaysan dilkii marxuum Sharma’arke Warsame Nuux.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa go’aamiyay in 19-ka bishan June 2022 loo muddeeyo ku dhawaaqista xukunka shanta nin ee ku eedaysan dilka marxuumka.

Eedaysanayaasha oo marar kala duwan la hor-keenay maxkamadda ayaa dhammaantood qirsan in ay dileen maxbuuska dhintay sida ay caddaysay xeer ilaalinta.

Ehellada Sharmaake Warsame Nuux iyo saaxiibadiisa ayaa dhowr jeer ku cel celiyay inay doonayaan in cadaalad u helaan Sharnaake, hayeeshee ugu dambeyn ay sugayaan go’aanka ay gaarto 19-ka Bishaan Maxkamadda Darajada koowaad ee Magaalada Qardho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here