Wufuud ka socota Wadamada Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.
Wafdiga maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo katirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Xubno kale
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wufuuda sida isdaba joogga ah u soo gaaraya Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweynayaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayo wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


