Ciidamada dawlada oo Hawlgalo ka sameeyay gobolka Hiiraan

WARARKA

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadawadada xiriirisa magaalada Baladweyne iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u hoggaaminayaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa gaaray dhowr deegaano oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay doonayaan in shabaabka laga saaro degaanada ay joogaan iyo sidii dib soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambaynta dhulkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.