Madaxweynaha Somaliland, , Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhammbaal hambalyo iyo duco ah u dirayaaardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka si habsami leh looga wada fadhiistay fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare ee dalka.
Imtixaanaadkan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 40,000 (Afartan kun) oo arday, ayuu madaxweyne Muuse Biixi u diray dhammbaal hambalyo ah oo uu kula qaybsanayo farxada iyo rayn-raynta ay Ardaydaasi saaka ku galayaan imtixaanaadkaasi.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ardaydaa tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa leegi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Alle u fudaydiyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu.
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu ardaydaasi u rajaynayaa inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho.