Dhageyso: Siyaasi Axmed baasto oo soo dhaweeyay  balan qaadyadii uu Sameeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

0
102

Siyaasiga Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto ooh ore Madaxweyne uga soo Noqday Galmudug ayaa soo dhaweeyay  doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho islamarkaanauu ku guuleystay madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Baasto ayaa ku Tilmaamay doorashadaasi mid dimoqraadi ah islamarkaana si nada ah ku dhacday .

Siyaasi Axmed Baasto ayaa sidoo kale hadlay xafladii caleema saarka ee dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu caleemasaaray Madaxweyne Xasan sheikh oo ay ka soo qayb galeen madaxda dawladaha deriska laha Soomaaliya waxana uu uu sheegay in taasi baal cusub ay u fureyso xiriirka dawladaha jaarka la ah Soomaaliya gaar’aah kenya iyo Soomaaliya oo uu xiriirkooda xumaa 5tii sano ee la soo dhaafay

Ugu dambeeyntii Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalda dawlada Federaalka ay la galayso Soomaaliland si loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka dhageyso Waraysiga Siyaasi Axmed Baasto:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here