Maxaa looga hadlayaa Kulanka Xildhibaanada Labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya Maanta ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho?

0
113

Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada muqdisho.

Guddoonka labada Aqal ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in kulanka wadajir ah uu jiro, waxaana Ajandaha uu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, waxaana Kulanka Maanta sidoo kale la filayaa in lagu dhaariyo Xildhibaano Xubno ka noqday Guddiga Arrimaha Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here