Maalintii labaad Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda gaar’ahaan ‘ Xarunta Madaxtooyada shirka Golaha wadatashiga Qaran oo oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa Shir Gudoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,iayadoo looga hadlayoArimaha kala ah’ dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Shirka ayaa laguwadaa in maanta soo geba-gabeeyo oo lagana soo saaro war murtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay Madaxda ay ka shireen