Ciidamada Dawlada oo Hawlgal ka sameeyay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan

0
61

Ciidamada dawlada Federaalka gaar’ahaan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen argagixisada

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka dawlada Federaalka ayaa sheegay in ay dileen dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab Islamarkaana bur-buriyay Fariisin halkaas ay ku lahaayeen

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warabaahinta  u sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Alshabaab islamarkaasna shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here