Dhageyso: Xildhibaan Jeesoow oo ka hadlay Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax

0
104

Kulan ay Xildhibaanada Golaha shacabka baarlamanka ay maantaku yeesheen Villa Hargeysa ayaa waxaa qdobadii loogva hadlay ka mid ahaa Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo markale cirka isku shareereay, kadib Markii Hadal uu dhawaan bixiyey Fahad Yaasiin.

Kiiska Ikraan tahliil oo aan qayb ka aheyn ajendaha kulanka maanta ayaa waxaa Golaha dhex-geeyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hor-hadlay Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada beesha Gaal Jecel ee  ay kasoo jeedo Ikraan ayaa codsaday in la magacabo guddi soo baara kiiskaasi, si ay cadaalad u hesho sarkaalad Ikraan Tahliil.

“Waxaan rabaa inaan halkan kasoo jeedino annagoo ah xildhibaano Soomaaliyeed in kiiskii Ikraan Tahliil loo xil-saaro guddi baarlamaani ah oo arrintaas isku soo duba-rido oo cadaaladda horgeeyo,” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in kiiska Ikraan uu noqday mid la’isku tuur-tuuray, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lasmeeyo baaritaan madax-bannaan.

Intaasi, kadib guddoomiyaha Golaha Shaabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hadalka qaatay ayaa sheegay inay tixgelin doonaan codsiga Jeesow, isla-markaana ay guddiga u saari doonaan kiiskaasi.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Xildhibaan daahir Amiin Jeesoow:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here