Duqa Magaalada Muqdisho oo daahfuray qaadista Imtixaanka shahaadiga ee Ardayda Fasalka 8aad

WARARKA

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qaadista Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiyada gobolka Banaadir oo ay maanta u fadhiisteen in ka badan 27-kun oo Arday.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.