Gudoomiyaha Maxkmada Sare Baashi Yuusuf ayaaa maanta barqadii lagu weeraray Magaalada Muqdisho.
Amar uu bixiyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in lagu beegsaday Gudoomiye Baashe iyada oo la doonaayo in laga soo qaado baabuurta NISA ay leedahay ee uu isaga isticmaalo.
Ciidmada ka tirsan NISA ayaa weeraray ilaalada gudoomiye Baashi iyaga oo doonaayo in awood ay ugu soo qaadaan gaadiidka ay iska leedahay NISA balse uu ka dhego fureystay inuu soo wareejiyo.
Mahad Salaad Agaasimaha NISA ayaa amaray saraakisha sirdoonka in ay ka soo qaadaan cid walba oo heesta baaburta NISA ee magaalada ku marto .
Hase yeeshee ‘ Waa Markii labaad ee uu Amar bixiyey mahad Salaad inta uu xilka haayo,taas oo la leeyahay awood cusub uu lasoo baxay iyo dib uhabeyn lagu sameeyo Hay’adaasi waxaana dhawaan Aamar ka soo baxay mahad salaad lagu weerayay Guriga Fahadyaasiin oo ku yaala madaxtooyada Soomaaliya..