Kenya oo ku xad gudubtay Qaranimada Soomaaliya

WARARKA

Danjiraha Dawlada Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaga baxay kulan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku casuumay Safiirrada deggan Caasimadda Nairobi, kadib markii fadhiga lagu casuumay Wakiillo ka socday Xafiiska Somaliland ee Kenya.

Somaliland ayaa lagu casuumay Kulanka Safiiradda, sababtaa ayaana keentay in safiirka Soomaaliya ee Kenya uu kulanka isaga baxo.

Si kastaba ha ‘ahaatee’ Dawlada Kenya ayaa si cad ugu xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya ka dib markii Somaliland oo uusan caalamka Aqoonsaneyn u ogolaatay safiir iyada matala uu xarun sameysto kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published.