Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqayn ka geystay degaano ka tirsan Gobolka Gedo

0
72

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Goobaha duqeymaha ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa kala ah likooleey:
Buusaar, Garsaal iyo Ceel cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaare kala duwan.
Ilo Wareedyo ayaa waxay sheegaya in duqeynta ay waxyeelo aanan la xaqiijin karin ay kasoo gaartay dad shacab ah, islamarkaana duqeymaha ay ku dhinteen Xoolo farabadan.
Si kastaba ha’ahaatee ‘ Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa Marar badan waxay duqeymo khasaare geystay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, Balse dowladda Kenya ayaa beenisa inta badan duqeymaha khasaaraha badan geysta oo ay ka fuliyaan gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here