Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib u Heshisiinta XFS ayaa maanta ka daahfurtay Magaalada Muqdisho kulanka wadatashiga Istaraatiijiyadda ka qayb gelinta haweenka ee dowladdaha hoose.
Kulanka ayaa waxa ka qayb galay Xubno ka socday Wasaaradda haweenka Dowlada Soomaaliya , Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Haweenka ee Dowlad Goboleeyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda ururada Bulshada rayidka.