Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada jowhar

WARARKA

Inta la ogyahay laba qof oo dhalinyaro ahaa ayaa geeriyootay Barqanimadii Maanta kadib Shil gaari oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Shilka ayaa dhacay kadib markii gaari weyn oo Ciidamada xoogga dalka leeyihiin uu dul Mooto Mooto fakeon ay saarnaayeen labada qof ee geeriyootay xilli ay marayeen kasoo horjeedka dugsiga Sheekh Xasan Barsane oo kun yaala Nawaaxyiga Magaayada Beder.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Goobta shilka uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo xabsiga dhigay Askarigii waday gaariga ciidamada ee shilka galay, sidoo kalena goobta ka qaaday meydadka labada dhalinyarada ah.
Qaar kamid ah Ehellada labada dhalinyarada ah ayaa codsaday inay cadaalad u heleen shilka Gaari ee lagu dilay labada Nin ee dhalinyarada ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.