Maamulka degaanka baxdo oo sheegay in Alshabaab jab xooggan ay ugu geysteen degaanka Baxdo

WARARKA

mas’uuliyiinta degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii |Alshabaab looga dilay dagaalkii shalay hlkaas ka dhacay , saanad ciidan oo laga furtay iyo maxaabiis nool.
Saraakiishu waxay sheegeen in la tiriyey meydadkaay gaarayaan 70 xubnbood , waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay dhagarqabihii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.
|Mas’uuliyiinta dawlada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgalkaan ku amaanay dadka reer Baxdo iyo ciidamadii kale ee u soo gurmaday, waxayna reer Baxdo dowladda dhexe iyo Galmudug ka heleen balan qaadyo garab is-taag ah.
Sidoo kale ugu yaraan 42 arday oo degaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta deegaankaas ku galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.