Dhageyso: Siyaasi ahna Aqoon Hassan Cabdillaahi Omar ( Karate ) oo soo dhaweeyay Ansixinta Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

0
130

Hassan Abdillahi Omar ( Karate ) islamarkaana ka mid ahaa  musharixiintii u  tartameysay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan ayaa taageeray talaabada xildhibaanda Golaha shacabka ay codka kalsoonida ku siiyeen Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre

Mudane Xasan Cabdulaahi karate ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre in uu soo magacaabo Xukuummad Tayo leh islamarkaana wax ka qaban karta xalada iminnka uu dalka ku jiro.

Sidoo kale’ Mudane Xasan Cabdulaahi Karate codsaday in lala shaqeeyo Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Xamza Canbdi Barre.

Mudane Hassan Abdillahi Omar ( Karate ) mar ahaa Murashax Madaxweyne, ahaana  Tababarahii Qaranka ee Karateega, ka mid Kooxahii Qaranka Basketball ka, Macalin ka soo noqday Jaamacadii Lafoole.

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Mudane Xasan Cabdullaahi Karate:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here