Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan sheekh Safar qarsoodi ah uu ku tagay Israa’iil?

0
80

Mudooyinkii dambe waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in madaxwweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu safar qarsoodi ah ku tagay Israel.

Hadal hayntaan ayaana timid kadib markii qaaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay karantiil lagu galiyay Imaaraadka Carabta .

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa Axaddii la soo dhaafay u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Booqashada Mudane Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba cisho, balse muddo ka badan intii la qorsheyay ayuu maqnaa waana arrinta dhalisay hadal haynta baraha bulshada.

22-kii bishaan Juun, ayaa bogga ,Villa Soomaaliya ee Madaxtooyada waxaa lagu baahiyay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal, iyo sida la isaga kaashan lahaa ganacsiga. Muqaalka iyo sawiradda warbixintaas la socday ayaa u muuqday kuwo dajiyay hadal hayntii baraha bulshada ka taagneed, waxaase halkii ka sii socday arrinta la xiriirta in madaxweynuhu safar qarsoodi ah ku tagay Israeal.

Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay shalay afhyeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayaa warbaahintu ku waydiisay waxa ka jira in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Israel safar ku tagay,arrintaas oo gabi ahaanba uu beeniyay afhayeenku. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel,maadama Soomaaliya iyo Israel aanu ka dhaxeynin xiriir diblomaasiyadeed.

“Maadama aanna Israel lahayn xiriir diblomaasiyadeed haddii la tagana wax la qarinayo ma aha, laakin lama tagin hadda waxa la tagay waa Imaaraadka,”. ayuu yiri Cabadikariin Cali kaar. Dallka Imaaraadku wuxuu ka mid yahay dalalka Khaliijka ee Israel la sameyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi.

Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed – oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco – ayaa xiriir la sameystay Israa’iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir ah uma aysan lahayn. Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan horumarinta xiriirkooda saaxiibtinnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here