Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u ololeeynta ee Samo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay Hambalyo ku aadan maalmaha xoriyada gaar’ahaan 62 guuradii ka soo wareegatay markii gobolabada Waqooyi Xorriyada ay ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska iyo 1da luulyo oo ah markii gobolada koofureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii talyaaniga islamarkaana lagu dhawaaqay israacii gobolada waqooyiiyo koofurta sidaasna lagu unkay Jamhuuriyda Soomaaliya
Ugaas Aweys Xuseen Huneero Gudoomiyaha Xisbiga Samo ayaa sheegay in Gumestihii ingariiska iyo Talyaaniga dhibaato badan ay u horseedeen shacabka Soomaaliyeed taas oo dhaxal siisay dhibaatada maanta ay ku jirto Soomaaliya ee ah qayb oo xukun balse taas laga soo kab sanaayo
Ugu dambeeyntii Gudoomiyaha Xisbiga Samo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.
Halkaan Hoose ka dhageyso Waraysiga Gudoomiyaha Xisbiga Samo Ugaas Aweys Xuseen Huneero: