Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 26ka Juun

0
108

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb galay  munaasibadda 26ka juun   khudbadna ka jeediyay  ayaa ugu horrayn bulshada ugu hambalyeeyey munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, isaga oo sharraxay guulaha Somaliland gaadhay muddadaa ay xorriyaddeeda haysatay.

Siyaasadda arrimaha dibadda ay guulaha Somaliland caalamka intiisa kale ka gaadhay iyo sida ay usoo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee dunida, ayuu madaxweynuha somaliland  ka sheekeeyey, isaga oo tusaale usoo qaatay Maraykanka iyo saaxiibtinimada miro-dhalka leh ee ay Somaliland la samaysatay,“Maanta waa markhaati ma doon in Somaliland xorriyaddeeda iyo ictiraafkeeda iyo waxqabsigeeda ay meelaha adduunka looga taliyo oo ay Washington Baarlameenkeedu ka mid yahay ka wado hawlo uu Somaliland wax kula qabsanayo, ingiriiskuna ka wado, caalamka intiisa badanina sidaas oo kale Somaliland la wado, taasina waxay ku timi dedaalkii dadkeena kolba intii joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku-tiisanaanta wax soo saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee ku timi quutal daruuriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here