Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii la magacaabay si faah faahsan uga hadlay, sida ay xukuumaddiisa u waji doonto arrinta gobolka Gedo.
Ra’iisal Wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in arrinta Gedo ay u mari doonaan dib u heshiisiin, si looga dhabeeyo hal heeska madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Jubaland ay ka mid tahay meelaha uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiin lahaa.
Gedo ayaa waxaa weli ka jira khilaaf salka ku haya arrimaha maamulka, waxayna ka mid aheyd waxyaabihii saameynta ku yeeshay doorashooyinkii soo dhammaaday dalka. Sidoo kale kale waxaa gobolkaas ku sugan ciidamo ay geysay dowladdii hore ee Farmaajo.