Wafdi uu Hohaaminayo Madaxweynaha Jubland oo gaaray degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose

0
34

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeeyey.

Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley.

Golaha wasiirada ee Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here