Gudoomiyaha Golaha shacabka oo Fariin Hambalyo ah u diray shacabka iyo madaxda Jabuuti

0
163

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekha Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska 45 aad ee 27-ka Juun oo ku beegan xiligii xorrnimada Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka qaateen gumeystihii Franciska, waxaana uu yiri,

“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Walaalaha reer Jabuuti shacab iyo dowlad, anigoo ugu hambalyeynaya 45 sano guurada kasoo wareegtey munaasabadda maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku beegan 27Juun1977”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale Shacabka iyo dowladda walaaha Jamhuuriyadda Jabuuti ugu hambalyey is bedelka iyo horumarrada ay ka sameeyeen dalkooda, waxaana uu Ebbe uga baryey sanadkan kiisa kale barwaaqo iyo nabad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here