Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka oo Raashiin Mucaawino ah gaarsiiyay degmada Xudur

WARARKA

Wasiirka Wasaardda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta gargaar isugu jira adeegyada kala duwan ee nolosha aas-aasiga ah gaarsiiyay degmada Xudur ee Gobolka Bakool .

Degmada Xudur ayaa ka mid ah degmooyinka Abaaraha ay ka jiraan isalamarkaana Dawlada Soomaaliya ay ku eedeysay Al-Shabaab in ay go’doomiyeen degmadaasi waxaana ka jiray xaalada beni’aadanimo oo daran , waxaana soo gaaray degmada Xudur dad ka yimid degaanada ku hareereysan Xudur, kuwaas oo ay abaar ku dhuftay xoolahoodii ka dhamaadeen dantuna baday inay isaga soo hayaamaan halkii ay ku noolaan jireen si ay u raadsadaan baad iyo Biyo ay dhuunta mariyaan.

Hase haatee Gargaarka maanta la gaarsiiyay Degmada Xudur ayaan ahayn mid ku filan shacabka ku dhaqan degmadaasi maadaamaa ay u baahan yihiin kaalmo kale si loo samata bixiyo noloshooda

Leave a Reply

Your email address will not be published.