Dhageyso: Siyaasi Cabdulaahi Dheere oo Fariin Culus u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre

WARARKA

Siyaasi Cabdilaahi Dheere  Islamarkaana ahaa Madaxweynhii   Banaadir State ayaa sheegay in uu soo dhaweeynaayo Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Codka kalsoonida 25kii bishaan ka helay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre

Siyaasi Cabdulaahi Dheere ayaa ugu horeeyn fariin u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre taas oo ku aadan in Golaha Wasiirada uu soo dhisayo uusan ku soo darin Xildhibaanada Golaha shacabka waxaana taa badalkeeda codsaday in Dadka siyaasiyiinta ah iyo Aqoonyahanada ee an wax xil ah heyn uu ku soo daro Xukuumadda uu soo dhisayo ‘ waxana intaa uu ku daray in haddii Ra’iisal wasaraha uu Xukuumdda uu soo dhisayo xildhibaano ku soo daro in isaga ay caqabad ku noqon doonto.

Ugu dambeeyntii Siyaasi Cabdulaahi Dheere ayaa ugu baaqay Madaxda Dawlada Federaalka in ay u istaagaan dhismaha Maamul Madax banaan oo uu gobolka Banaadir yeesho.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Waraysiga Siyaasi Cabdulaahi Dheere oo dhameystiran:

Leave a Reply

Your email address will not be published.