Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo Warfidiyeenka kula hadlayay madaxtooyada, ayaa kawar bixiyay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowaan ku dhacay cudurka COVID-19.
Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna Tilmaamay inaysa jirin illaa hadda saameyn muuqata oo uu cudurkaan ku yeeshay caafimaadka madaxweynaha.
“Waxaan ugu bishaareyneynaa umadda Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay cudurka COVID-19, isagoo horey u tallaalnaa,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.
Cabdikariin Cali Kaar ayaa sidoo kae sheegay in madaxweynaha uu si caadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19.
Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu umadda Soomaaliyeed guud ahaan uga mahadcelinayo ducadii ay usoo duceeyeen markii ay maqleen in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka COVD19. Afhayeenka ayaa Tibaaxay in madaxweynaha uu horey u qaatay talaala COVD19 ka hor inta uusan cudurka ku dhacay taasoo yareysay saameynta