Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daahfuray shirka  isku xirka mashaariicda Caafimaadka deegaanada Galmudug

0
116

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka maamulka Galmudug ayaa maanta daah furay shirka  isku xirka mashaariicda Caafimaadka deegaanada Galmudug, oo ay magaaladda Dhuusamareeb muddo sadax cisho ah kaga qeyb gali doonaann dhammaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, iyo qaar kamid ah wasiirada Galmudug iyo maamulka Dhuusamareeb

Shirka oo ka duwan shirarkii hore sida loo qaban jiray ayaa la filayaa In dib u eegis loogu sameeyo Mashaariicda Caafimadka Galmudug iyo ka jawaabidda Saameynta Abaaraha ee dhanka Caafimaadka. Si loogu  daro qorshaha seddaxda bilood ee nagu soo aadan wax ka qabashada saameyta jirta ee abaarta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa xusey in u jeedada shirkani tahay wada diyaarinta qorshe wax looga qabanayo arrimaha Caafimaadka ee saameynta abaaraha jira.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu dambeyn la hadley hey’addaha Shirkan lagu Casuumey oo kor u dhaafayay 20-hey’addood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here